Xogta weerarro ka dhacay Gaarisa, Gedo, Jubbada hoose, Shabeellaha hoose & Mudug.

Monday November 09, 2026 - 07:30:49
MeMO Staff
Kooxda Al-Shabaab ayaa sida ay wararku tibaaxayaan saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ka fuliyey gobollada Gedo, Jubbada hoose, Shabeellaha hoose, Mudug iyo sidoo kale gobolka Gaarisa oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Gobolka Gaarisa, waxaa ka dhacay weerar culus oo mintidiintu ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Sareedo ee hoostaga magaalada Dhadhaab.

Sidoo kale, dagaalyahannada Al-Shabaab waxay weerareen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Gisireeb ee degmada Ijaara ee isla gobolka Gaarisa.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, weerarkan waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya.

Gobolka Shabeelada hoose, xoogagga hubaysani waxay habeennimadii xalay weerar culus ku qaadeen xerada ciidanka dowladda federaalka ee deggaanka Mubaarak.

Waxa kale oo jira hawl-gal maalinnimadii shalay islaamiyiintu ka fuliyeen gudaha degamada Afgooye, ee isla gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan ayaa sida la xaqiijiyey lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka booliska oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Cusmaan (Ciilow Yakam).

Gobolka Jubbada hoose, waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay, weerar culus oo jihaadiyiintu ay ku qaadeen xerada ciidanka Jubbaland ee deggaanka Baarsanguuni ee duleedka Kismaayo.

Gobolka Gedo, waxaa laga soo sheegay qarax habeennimadii xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay gudaha magaalada Balad Xaawo.

Qaraxan oo sida la sheegay lagu weeraray ciidan roondo ah, ayaa la xaqiijiyey in khasaare kala duwan uu gaarsiiyey askarta la beegsaday.

Gobolka Mudug, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay weerar kooxdu ay ku mirtay fariisin ay ciidanka DF Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Xarar-dheere.

Ilo-wareedyo aanu helay ayaa xaqiijiyey in uu jiro khasaare kala duwan oo qaraxan kasoo gaaray qaar ka mida ciidankii ku sugnaa fariisinkaasi.

Related Items

Update cookies preferences